Episode 4 - Samixa oo Sir badan banaanka keentay ( Guusha ganacsiga ) Suman Podcast by Deeq Darajo

  • Kulanti wanaagsan Daawadayaasha Somflix ku xiran meel weliba oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada Barnaamijka Suman Podcast oo aan ku eegi doonno horumarka dhinaca ganacsiga ah ee Gabadhaha Soomaaliyeed sameeynayaan sanadahaan dambe!
    Ganacsiga ayaa lagu tilaamaa inuu yahay Awooda ugu badan ee dhaqaajiya dhaqaalaha bulshada Soomaliyeed.
    Waxaana qayaas ahaan la sheegaa ganacsiga in 60% uu ka yimaado howlaha baayac-mushtarka.
    Marka laga hadlayo arimaha ganacsiga ee bulshada Soomaalida, haweenku waa kuwa ugu badan ee laf dhabarta u ah, ama kaalmaha hore ka soo muuqanaya.
    Iyadoo mehradaha iyo goobaha ganacsiguna aad ku arkayso hablo yar yar oo markaas qayb weyn ka qaadanaya ganacsiga noocyadiisa kala duwan.
    Hadaba Barnaaminkayga maanta waxaan diirada ku saari doonaa ganacsiga Haweenka Soomaalida qaasatan Gabdhaha da’da yar iyo kaalinta gancsi ee ay ku leeyahihiin bulshada dhexdeeda.
    Waxaana marti iigu ah Samiixa Khaliil oo iyadu kamid ah Gabdhaha da’da yar ee ganacsi u gaar ah ku leh Magaalada Nairobi, waxaana ka waraysan doonaa halka ay kasoo biloowday safarkeeda ganacsiga ay hada ku jirto iyo mar xaladaha kala duwan ee ay soomartay.
    Waxaa ayna tusaale u tahay gabdhaha sideeda oo kale ah ee ku fakiraya inay bilaabaan gancsi iyaga gaar u ah!

    Category : Interviews and Podcasts

    #episode#4#samixa#oo#sir#badan#banaanka#keentay#guusha#ganacsiga#suman#podcast#deeq#darajo

    0 Comments and 0 replies
arrow_drop_up